2274 Views

Sawiro:-Khasaaro Ceenkee Ah Ayaa Ka Dhashay Dabkii kacay Keydk Keydka Radio Muqdisho ??

Sawiro:-Khasaaro Ceenkee Ah Ayaa Ka Dhashay Dabkii kacay Keydk Keydka  Radio Muqdisho ??
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 12, 2018 —Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Keydka hadalka ee Radio Muqdisho uu maanta qabsaday dab yar, kaasi oo sababay in qaar ka mid ah cajadalaha ay gubtaan.

Agaasimaha oo Warbaahinta kula hadlayay gudaha Keydka hadalka ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dabkii maanta lagu guuleystay isla markaana uusan geysan qasaaro fara badan, isagoo intaa ku daray in cajaladaha gubtay ay ahaayeen kuwa mar hore alaadda digital-ka loo rogay.

“Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar, inta badan cajaladaha gubtay waxa ay ahaayeen kuwa markii hore digital loo badalay, isla markaana lahayo macluumaadkii ku duubnaa, Waxaan Umadda Soomaaliyeed ee Walwashay u sheegayaa inuu Keydkii Bedqabo” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasime Cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Shantii sano ee la soo dhaafay waxaa socotay in la badalo cajaladaha Keydka hadalka ee Radio Muqdisho,  waxaana iminka go’aan ku gaarnay inaan sii dar dargelino sidii cajaladaha Keydka guud ahaan looga dhigi lahaa mid digital ah”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa maamulka Gobolka, Shaqaalaha Wasaaradaha degan xarunta Wasaaradda iyo dhamaan madaxda iyo howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta oo ku guuleystay inay damiyaan dabkii ka kacay Keydka hadalka ee Radio Muqdisho.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment