471 Views

Madaxweynaha Mareykanka Biden “ Putin waa in loo maxkamadeeyaa dambiyo dagaal

Madaxweynaha Mareykanka  Biden “ Putin waa in loo maxkamadeeyaa dambiyo dagaal
____________________________________________________________________________

Isniin: April 4, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa mar kale ku tilmaamay Vladimir Putin dambiile dagaal – wuxuuna ku baaqay in hogaamiyaha Ruushka loo maxkamadeeyo dilkii ka dhacay magaalada Bucha oo u dhaw Ukraine.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa la arkayay meydadka dad shacab ah oo daadsanaa wadooyinka halkaasi.

Wariyaha BBC-da ayaa tagay magaalada gaar ahaan qeyb ka mid ah guri lagu arkay meydadka shan ruux oo gacmaha ka xiran oo u muuqday in la toogtay.

Biden wuxuu sheegay in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogi doono Ruushka kadib tacaddiyada ka dhacay Bucha, taas oo Moscow ay beenisay ciidamadeeda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa booqasho ku tegay degmada Bucha oo u dhaw caasimadda Kiev halkaas oo lagu eedeeyay ciidamada Ruushka inay ka geysteen tacaddiyo ka dhan xuquuqul insaanka, wuxuu mar kale ku eedeeyay Ruushka in Ukraine uu ka geystay dambiyo dagaal iyo xasuuq.

Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale sheegay si deg deg ah u bilaabi doonto hanaan baaritaan ah si caddaaladda loo horkeeno ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyada dagaal, markii ay isaga baxeen magaalooyinka u dhaw caasimadda Kiev.

Dilka ka dhacay Bucha si weyn ayaa looga cambaareeyay caalamka.

Madaxweynaha Faransiiska, wuxuu sheegay inay jiraan caddeymo muujinayo in dambiyo dagaal ay ka dhaceen Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post