852 Views

Lesotho oo ahaa Ra’iisal wasarihii hore dalka Lesotho oo loo haysto dilka xaaskiisa

Lesotho oo ahaa  Ra’iisal wasarihii hore dalka Lesotho  oo loo haysto dilka xaaskiisa
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 1, 2021

 Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Lesotho,Thomas Thabane, ayaa lagu soo oogay dambi ah inuu sanadkii 2017-kii dilay xaaskiisa, Lipolelo Thabane.

Xaaska uu haatan qabo ee Maesaiah, waxaa iyaduna sanadkii tegay lagu soo oogay dambi kaasi lamid ah.

Waxay la noolayd Mr Thabane xiligii uu dilka dhacayay, waxaana lagu eedeeyay inay u adeegsadeen niman dadka khaarajiya.

Labadooduba way iska fogeeyeen eedeymahaasi.

Mr Thabane wuxuu xilka ka degay bishii May ee sanadkii 2020-kii, kaddib cadaadis saarnaa muddo dhowr bilood ah, kaas oo ka dhashay markii la shaciyay in looga shakisanyahay dilka xaaskiisa.

Kiiska ayaa argagax geliyay dad badan, waxayna sababtay in muran siyaasadeed uu ka dhasho dalkan yar ee ay gebi ahaanba hareereysantahay Koonfur Africa.

Maesaiah Thabane ayaa maxkamadda ku wehlineysay ra’iisal wasaarihii hore oo 82 sano hir ah. Waxaa dacwad lagu soo oogay sanadkii hore, iyadoo markii dambe lagu siidaayay damaanad lacageed.

Eedeymaha loo haysto ayaa waxaa laga hor aqriyay qolka ay ku shiraan guddiga garsoorka ee maxkamad sare oo ku taalla magaalada Maseru, ee caasimadda dalkaasi, halkii ay ahayd in laga hor jeediyo qolka maxkamadda, taas oo ah wax iska caadi ah sida uu ku soo warrantay wakaaladda wararka ee EFP.

Rag hubeysan ayaa 14-kii bishii June ee sanadkii 2017-kii toogtay oo dilay Lipolelo Thabane, laba maalmood kahor inta aan xilka ra’iisal wasaarenimo loo dhaarin Mr Thabane

Xaaskii hore ee hogaamiyaha Lesotho ayaa la weerar lagu soo qaaday kaddibna la dilay xilli ay kusii jeeday gurigeeda. 58 sano jir ayayna ahayd.

Xilliga la dilay, Lipolelo waxaa uu khilaaf ku saabsan furriin kala Mr Thabane, waxayna iyada iyo ninkeeda ay kala meel ku noolayeen tan iyo sanadkii 2012-kii.

Wuxuuna xaska labaad ee Maesaiah isla noolaayeen intii u dhaxeysay sanadkii 2012-kii iyo 2017-kii.

Waxay is guursadeen laba bilood kaddib markii ay dhimatay xaaskiisii hore ee Lipolelo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post