789 Views

Qaraxyo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland & khasaaro ka dhashay

Qaraxyo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland & khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa waxaa duleedka Deegaanka Bali dhidin ee Gobolka Bari lagula eegtay gaadiid ay la socdeen Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan..
Kolonyada Gaadiidka ah oo lala eegtay qaraxyada miino ayaa ka ambabaxay degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxa ku geeriyootay hal askari halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxyada aysan wax qasaaro ah kasoo gaarin mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka Puntland, marka laga reebo burburka Gaariga qaraxa uu qabsaday, balse qaraxyada kadib la maqlayay rasaas farabadan oo ay ridayeen Ciidamada.
Mas’uuliyiinta qaraxyada lala eegtay ee kala ah  Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari & laamaha Amniga ayaan weli ka hadlin qaraxyadaas, waxaana la sheegay in wafdiga iyo Ciidamada ay socdalkoodii sii wateen, isla markaana askarta dhaawaca ah la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Dhowr jeer ayaa mas’uuliyiin  iyo askar ka tirsan Maamulka Puntland waxaa qaraxyo lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Bari, waxaana mas’uuliyada qaraxyadaas sheegtay Al-Shabaab & Kooxda Daacishta Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post