1128 Views

Afhayeenka Itoobiya:-Somaliland Iyo Puntland Waxaan U Aqoonsanahay In Ay Hoostagaan Dowladda Somalia

Afhayeenka Itoobiya:-Somaliland Iyo Puntland Waxaan U Aqoonsanahay In Ay Hoostagaan Dowladda Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2019–wakiilada u joogaan oo ay ku jiraan Soomaaliland iyo Puntland , arrintaa oo lagu tilmaamay inay xukuumadda Addis Ababa kala qeybinayso Soomaaliya.

Nebiyat Getachew oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, wuxuu u sheegay BBC-da Puntland iyo Soomaaliland inay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya, isagoo inta ku daray xarumo diblumaasiaydeed ku leeyihiin Garoowe iyo Hargeysa, halka uu sheegay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya inay ku leeyihiin caasimadda Muqdisho.

“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqda waana eegeynaa”, ayuu yiri Nebiyat Getachew , oo ka hadlay liiska ka soo muuqday bogga wasaaradda arrimaha dibadda.

 

Arrintan waxaa ay ku soo aadday iyada oo dhowaan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya khariidadda Afrika ee lagu baahiyay boggeeda laga saaray Soomaaliya oo hal dal inay waddayihiin lagu soo muujiyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Dowladda Soomaaliya dhinaceeda ilaa hadda kama aysan hadlin khaladka labaad ee ka dhacay Itoobiya oo dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay dal ahaan u diiwaan galisay, Soomaaliland iyo Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment