768 Views

Xiisad Maanta ka taagan degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan

Xiisad Maanta ka taagan degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 11 2021Xiisadaan ayaa waxaa ay u dhaxeeysaa Guddoomiyaha Maamulka degmada buulo-Burde Feysal Haajir Aadan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kabuuti oo ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Xiisada ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii Guddoomiyaha degmada Buulo-Burde uu shalay ku eedeeyay Ciidamada jabuuti inay faragelin dhinaca Maaliyadda ah ku haayaan Mamaulka degmada.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay sheegeen in saaka lagu arkay wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa xarunta Maamulka degmada Buulo-Burde Ciidamo ka tirsan kuwa jabuuti oo ku sugan taas oo xiisada dhalisay.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Ciidamo taabacsan guddoomiyaha degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan Feysal  Haajir Aadan ay iyana dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Gudaha degmada.

Dadka ku nool degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta ay dareemayaan cabsi ku aadan inay dushooda lagu dagaalamo, isla markaana khasaaro uu kasoo gaaro dagaalka.

Madaxda Sare ee maamulka Hir-Shabeelle iyo kan Gobolka Hiiraan weli wax war ah kama soo bixin, kaas oo ku aadan khilaafkan soo kala dhex-galay Guddoomiyaha degmada  Buulo-Burde iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post