834 Views

Bisha Cas ee Falastiin oo sheegtay in sagaal iyo toban qof oo mudaaharaadayaal ah ay ku dhaawacmeen isku dhacyo

Bisha Cas ee Falastiin oo  sheegtay in sagaal iyo toban qof oo mudaaharaadayaal ah ay ku dhaawacmeen isku dhacyo
____________________________________________________________________________

Axad: April 17, 2022

Haayadda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in sagaal iyo toban qof oo mudaaharaadayaal ah ay ku dhaawacmeen isku dhacyo kale oo ay booliiska Israa’iil kula galeen agagaarka dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Quddus.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in ay gudaha u galeen xarunta si ay u soo saaraan dibadbaxayaasha oo ay u soo celiyaan nidaamkii goobta. Falastiiniyiintu waxay sheegeen in booliisku ay xaddideen gelitaanka goobta salaadda subax ka dib si ay ugu suurtagasho in ay booqdaan Yuhuuddu.

Horay, boqolaal Falastiiniyiin ah oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo ururay goobta. Jimcihii, in ka badan boqol iyo konton falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo ay booliska kala kulmeeen Masjidka aaggiisa.

Goobtan ayaa ah meesha ugu barakeysan ee Yahuudda iyo tan saddexaad ee Islaamka. Meelo kale oo magaalada ah ayaa dhalinyaro falastiiniyiin ah ay dhagaxaan ku tuureen basaskii meesha marayay, iyagoo dhaawacay todobo Israa’iiliyiin ah .Booliska ayaa sheegay inay xifheen siddeed iyo toban Falastiiniyiin ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post