1746 Views

Sawirro:-Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Degmada Yaaqshiid

Sawirro:-Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Degmada Yaaqshiid
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab geystay Khasaaro hantiyeed oo Maanta ka kacay Guri ku yaalla inta u dhaxeysa Baar ayaan iyo Isgoyska Hotel Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dabka guriga uu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Waaxda Horseed ee Degmada Yaaqshiid,iyadoo dabka uu ahaa mid xoogan,kaasi oo ka dhashay koronto.

Dad goobgoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in goobta uu dabka ka kacay uu soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Dab-damiska ay leedahay Shirkadda Hormuud iyo dadweyne farabadan,kuwaasi oo markii dambe ku guuleystay daminta dabkaas.

Sidoo kale waxaa tegay halkaasi oo ka qeyb qaatay daminta dabka Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,iyadoona gabi ahaanba dabka uu baabi’iyay Guriga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment