1911 Views

Howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Jubbaland

Howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen  Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 2, 2021

Howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ururka 5aad Guutada 16 ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Daraawiishta ayaa laga sameeyey deegaanka Buula Xaaji iyo Lagta Caanoole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu bur-buriyey goobo argagixisada ay dadka shacabka ah kaga qaadi jireen lacago baad ah iyo goobo kale oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Arrinta ayaa ka dambeysay kaddib markii ay ciidamada ka jawaabayeen codsi uga yimid shacabka ku nool deegaannada ay ciidanka howlgalka sida wada jirka ah uga fuliyeen, kuwaasi oo si diiran ugu riyaaqay guulaha ay ciidamada ka soo hooyeen howlgalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post