291 Views

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay maamulan 70% gobolka Tigray

Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay maamulan 70% gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 12, 2022

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda federaalka ay hadda gacanta ku hayaan 70% gobolka waqooyi ee Tigray, arrintaas oo uu beeniyay sarkaal ku sugan gobolka uu dagaalku ka dhacay.

La taliyaha amniga qaranka Itoobiya, Redwan Hussien ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in “in boqolkiiba 70% gobolka Tigray ay hoos yimaadaan ciidamada difaaca qaranka ee Itoobiya.

Afhayeenka Jabhada TPLF Getachew Reda ayaa si kastaba ha ahaatee beeniyay sheegashadaasi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP.

Wakiilada Tigreega iyo xukuumadda ee ku sugan Addis Ababa ayaa toddobaadkan ku shiray dalkaKenya, si ay uga wada hadlaan dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee todobaadkii hore lagu kala saxiixday dalka Koonfur Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post