579 Views

Isbitaalka Takhasusiga ee Dalmar oo lagu qabtay Xuska todobaadka wacyi-gelinta cudurka Glaucoma

Isbitaalka Takhasusiga ee Dalmar oo lagu qabtay Xuska todobaadka wacyi-gelinta cudurka  Glaucoma
____________________________________________________________________________

Jimce, 11 Maarso [Qaranimo Online] Munaasabad lagu xusayey todobaadka wacyi-gelinta iyo la dagaalanka cudurka  Glaucoma (World Glaucoma week) kaasoo ah cudur halis ah oo baabi’iya aragga ayaa lagu qabtay xarunta Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar Magaalada Muqisho. Waxaa ka qeyb galay Munaasabadan howlwadeeno ka tirsan bahda Caafimaadka, Dhaqaatiir kala duwan, aqoonyahano, arday wax ka barata Jaamacadaha dalka qaarkood iyo marti sharaf kale. 

Dr. Axmed C/risaaq Dalmar oo ah dhaqtar ku taqasusay cudurada Indhaha ayaa ugu horeyn si qoto dheer uga hadlay dhibaatada uu bulshooyinka caalamka ku hayo cudurkan, noocyada uu u kala baxo, haddii ay jiraan calaamado lagu garto, dadka halista ugu jira in laga helo iyo habka loo daweeyo, loogana hortago.

“Glaucoma waa cudur indhaha ku dhaca oo baabi’iya aragga, dheecaan ama biyo ayaa iska buuxiya isha, taasoo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. cadaadiskana wuxuu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka,  waxaana uu sababaa in qofku uu arag beelo, Badanaa marka hore waxa waxyeelo soo gaartaa aragga dhinacyada, ugu dambeyna aragga xagga hore ayuu baabi’iyaa haddii aan laga gaarin” ayuu yiri Dr. Axmed Dalmar oo ka tirsan dhaqaatiirta Isbitaalka Dalmar.

  “Cudurkan waxaa uu kala baxaa labo nooc oo kala ah mid xagal-furan (Open-angle Glaucoma) noocan malaha calaamado lagu garto iyo kan labaad oo ah Glaucoma xagal-xiran (Angle-closure Glaucoma) wuxuuna leeyahay cadaadiska oo dhakhso sare ugu kaca iyo calaamado dhakhso u yimaada oo ay ka mid yihiin in qofku uu si deg deg ah u arag beello” ayuu yiri dhaqtarka.

 Soomaaliya ayuu sheegay dhaqtarku inuu aad ugu badan yahay cudurkan uuna faro ba’an ku hayo dad aad u fara badan oo aan garaneyn, wuxuuna xusay in dhibaatada ugu daran ay tahay dadka oo aan ku baraarugsaneyn khatartiisa iyo cudurka noociisa hore oo aan laheyn calaamado lagu garto, isagoo tilmaamay %50 bukaanada maalin walba u yimaada ay ka helaan cudurkan oo uu tilmaamay in sida ugu fiican ee loola tacaalo ay tahay in laga hortago, lana daweeyo inta uu bilowga yahay. Wuxuu tilmaamay iney jirto xaalad haddii uu cudurkan gaaro aan waxba laga qaban karin, wuxuuna dhaqtarku ka jawaabay su’aalo ku saabsan cudurkan oo ay weydiiyeen ka soo qeyb galayaasha munaasabadan.

 Sidoo kale waxaa Munaasabadaas Cashar ku saabsan qaliimada cudurkan ka jeediyey Dr. Ibrahim Khalil Alawad oo ah dhaqtarka indhaha ee u dhashay dalka Siiriya oo ka howlgala Isbitaalka taqasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar. Sidoo kale waxaa kulankaas ereyo kooban ka jeediyey Xirriiriyaha caafimaadka ee Isbitaalka Dalmar Dr. C/fitaax C/llaahi Jaamac iyo xubno kale. 

Guddoomiyaha Guud ee Isbitaalka Dalmar Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii Munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in haddii ay yihiin dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu waajibka ugu badan  ka saaran yahay sidii ay bulshadooda uga wacyi gelin lahaayeen qatarta uu leeyahay cudurka Glaucoma iyo cudurada la midka ah.

 “Indhuhu waxay ka mid yihiin xubnaha ugu muhiimsan aadanaha, Cudurkana malaha calaamado lagu garto waa tuug aamusan oo qofka ka xada arraga sida kaliya ee looga hortagi karaana waa in qofku markii muddo la joogaba uu la xiriiro dhaqaatiirta si loo baaro: ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaas ku daray in  cudurkan khatartiisa aysan ku baraarugsaneyn shacabka Soomaaliyeed ayna muhiim tahay in mar kasta bulshada laga wacyigeliyo. Waxaana Munaasabadan intii ay socotay la isku dhaafsaday fikrado iyo talooyin dhaxalgal ah oo ku saabsan sidii bulshada looga digi lahaa halista cudurkan Glaucoma.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post