1098 Views

Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan wadooyinka deg dega lagu xiraayo

Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan wadooyinka deg dega lagu xiraayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 11 |  2020—Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa ay si kedis ah ku xiraan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyada oo taasi ay dhibaato ku tahay dad Shacabka ah.

Shalay Ciidamada Ammaanka ayaa xiray qaar kamid ah wadooyinka muqdisho, xilli Muqdisho aas qaran loogu sameeynayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday magaalada jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida.

Maanta Shacabka muqdisho ayaa la kulmay qaar kamid ah Isgoysyada muqdisho oo xiran, isla markaana Gaadiidka dadweynaha iyo midka sida gaarka loo leeyahay loo diidayo.

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Muqdisho waliba cagtooda maalayay ayaa Risaala TV waxaa ay u sheegeen inay dhibaato ku tahay wadooyinka sida deg dega ah loo xirayo, iyaga oo dowladda ka codsaday in Maalin ka hor ay kusii wargeliso in wadooyinka la xirayo


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post