1566 Views

R.W ku xigeenka Soomaaliya Oo Ku Wajahan Burundi

R.W ku xigeenka Soomaaliya Oo Ku Wajahan Burundi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Wafdi uu hogaaminaayo Ra’isal Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed Khadar ayaa goor dhow  u amba baxay dalka Burundi si uu dhiira gelin ugu sameeyo Ciyaartooydeena Qaranka ee galabta Final-ka Ciyaaraya.

 Xulka kubada cagta Soomaaliya ee ay da,diisu ka hooseyso 17-ka sano ayaa lagu wadaa in ay maanta ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa la ciyaaraan dhigooda Tanzania.

Dhalinyarada Soomaalida waxay wareegi semi-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay 2-1 uga soo badisay Kenya.

Inti uu socday tartankan, ayay Soomaaliya kasoo wada badisay xulalka Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burudni oo ay barbarro galeen.

Haddii xulka Soomaaliya uu ku guuleysto koobkan, wuxuu noqonayaa marki ugu horreysay oo uu xul Soomaaliyeed ku guuleysto tartan ka tirsan kuwa qaarada Africa.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment