2916 Views

Sawirro:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Safiirka Jarmalka Ee Soomaaliya

Sawirro:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Safiirka Jarmalka Ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xiriirka labada dhinac ee Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka miro dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xiriirka labada dhinac ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment