1938 Views

Milliteriga Maraykanka Oo Yareynaya Howlgalka Uu Ka Wado Gudaha Somalia

Milliteriga Maraykanka Oo Yareynaya Howlgalka Uu Ka Wado Gudaha Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 05  2019 —Waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka “The Pentagon” ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay yareeyaan doorkooda Somalia iyo inay xadidaan Duqeymaha lala beegsado Dagaalamayaasha Alshabaab.

Labo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka oo la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu Maamulka Madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciiddamadda Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka.

Madaxweyne Trump markii uu xilka la wareegay waxa uu Ciiddamo dheeraad ah u soo diray Somalia , wuxuuna Taliyayaashiisa awood u siiyey inay kordhiyaan Duqeymaha ay ka geystaan Somalia.

Sarkaal la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay  hawlgaladaasi gaabis noqdeen, tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis  xilka ka degay bishii hore.

Dhinaca kale, Saraakiil hore iyo Khubaro ka tirsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda oo la hadlay Tleefishinka NBC News waxay sheegeen  inuu  qorshahaasi abuuri karo Khataro ka timaado Ururadda Alqaacida, Daacish iyo kuwa kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment