1023 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomalaiya oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomalaiya oo  kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

 June 20 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomalaiya Mohamed Abdirizak, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah oo ka dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale wadatashiyo ku saabsan arrimaha danta guud.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si loo waafajiyo himilooyinka labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post