1347 Views

SAWIRO: Howlgal laga fuliyey Hoyga Ninkii dadka ku laayay News Zealand

SAWIRO: Howlgal laga fuliyey Hoyga Ninkii dadka ku laayay News Zealand
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 18, 2019 –Ciidamada Booliska dalka News Zealand ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen guriga uu dalkaasi ka deganaa Ninkii Jimcihii dadka ku laayay masaajidyo ku yaalla magaalada Chrischurch ee dalka News Zealand.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku baadi goobayaan cadeymo kale oo ku aadan waxa uu ahaa Shaqsiga dadka laayay oo gacanta lagu haayo,hayeeshee weli aysan soo bandhigin waxyaabaha ay kusoo qabteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale intii ay howlgalka ku jireen waxaa ay hoyga kasoo wadeen  hooyada dhashay dilaaga iyo gabar la dhalatay,kuwaas oo ka cabsi qabay in weerar aargoosi ah lagu soo qaado.

Muslimiin farabadan oo Caalamka daafihiisa kala duwan ku nool ayaa aad uga xumaaday weerarka Ninka cunsuriga ah uu Jimcihii ku laayay dadka muslimiinta ah,waxana sidoo kale cambaareeyey qaar ka mid ah eheladiisa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment