4275 Views

Wasiirka qorsheynta ayaa qurba joogta ugu baaqay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka

Wasiirka qorsheynta ayaa qurba joogta ugu baaqay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 15, 2015 – Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa ka qeyb galay qalab caafimaad oo gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa ay ugu talagashay in loogu adeego bulshada ku nool deegaannada Maamulka Galmudug, ku soo bandhitay Muqdisho.

Dahraan Muuse Xaashi ayaa xustay in ay dadaal dheer ku bixineyso sidii ay uga qayb qaadan lahayd taakuleynta iyo garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatooyinka ku jirtay, waxaana ay sheegtay in ay ku simi doonto madaxda maamulka Galmudug si markaas uu si sharci ah u gaarsiiyo dadka loogu talo galay.

Dahraan Muuse ayaa sheegtay in qalabkan uu yahay mid loogu adeegi doono bulsho Soomaaliyeed.

“Sidaad arkeysaanba kunteenarbaan hadda dekada ka soo bixinay saaka saan u adnay labo saac oo subax nimo ilaahbaa noo soo fududeeyay,  waxaan rabnaa in aan Soomaaliya goboladeeda qaar gaarsiino  qof walba oo Soomaali ahna dalkiisu waa u baahan yahay  fadlan ka soo qayb qaata”ayay tiri Dahraan.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud  Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa uga mahad celiyay gabadhaan dadaalkeeda iyo sida ay isugu howshay in ay ka qayb qaadato taakuleynta ummadda Soomaaliyeed, isagoo balan qaaday in halkii ay ugu talo gashay la gaarsiin doono.

“Halkaan waxaa galabta taagan qalab caafimaad  oo hay’adaan Dahraan wamen and Children ay ka keentay dalka Mareykanka looguna talo galay isbitaalada ku yaala gobolka Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug,  waxaan dhihi karnaa waa arrin aad iyo aad u wanaagsan”ayuu yiri Cirfo.

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu mahad naq balaaran ujeediyay Dahraan iyo dhamaan intii kala qayb gashay in qalabkaan caafimaad uu Soomaaliya soo gaaro, isagoo Soomaalida Qurbaha ku nool ugu baaqay inay ka qayb qaataan wax u qabashada shacabka.

“Maanta waxaan halkaan iskugu nimid in aan ka qayb qaadano taageero aan u fidineyno gabar walaasheen ah oo dadkii qurbaha ka soo laabtay ah oo Dahraan Muuse la yiraahdo oo qalab caafimaad ka keentay dalka Mareykanka, runtii waa tallaabo ku dayasho mudan”ayuu yiri wasiir Ceynte .

 

 

.

.

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment