456 Views

Jeneraal Abuukar Xuud oo lagu wado in uu soo gaaro goor dhaw magaalada Muqdisho

Jeneraal Abuukar Xuud  oo lagu wado in uu soo gaaro goor dhaw magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 19, 2022

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaro Jeneraal Abuukar Xuud oo hogaamiya ciidamo ku sugan duleedka magaalada Baladweyne oo si weyn uga soo horjeeday maamulka Hirshabelle uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

Taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Biixi oo wadahadal kula yeeshay magaalada Baladweyne ayaa ku qanciyay Jeneraal Xuud in uu la heshiiyo maamulka Hirsabelle iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Xuud ayaana aqbalay in uu maanta soo gaaro magaalada Muqdiusho lana kulmo ,masuuliyiin katirsan dowlada federaalka uu ugu horeeyo Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Sida aan wararka ku helnay Jeneraal Xuud ayaa la filayaa in uu heshiis rasmi ah la gaaro dowlada laguna qanciyo in uu ogolaado maamulka Hirshabelle iyo in Baladweyne doorasho ka dhacdo taa badalkeedana lacago iyo balan qaasyo kale loo sameeyo.

Jeneraal Xuud ayaa mudo sanad ka badan diidanaa maamulka Hirshabelle , waxa uuna diiday in gabi ahaan cagta soo saaro Baladweyne Madaxweyne Cali Guudlaawe oo marar badan isku dayay in  uu tago Baladweyne.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post