1197 Views

Wasiiru Dowlaha Cusub Wasaaradda Howlaha Guud Bashiir Goobe oo la dhaariyay.

Wasiiru Dowlaha Cusub   Wasaaradda Howlaha Guud Bashiir Goobe oo la dhaariyay.
____________________________________________________________________________


Axad: October 24, 2021

Waxaa la dhaariyay Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Bashiir Maxamed Jaamac  Bashiir Goobe.

Wararka ayaa sheegaya in lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka, waxaana ka soo Qeyb galay dhaarintiisa Guddomiye kuxigeenka 1aad Iyo guddomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Barlamaanks Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Wasiiro iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS.

Sidoo kale Dhaarinta Bashiir goobe ayaa imaaday kadib markii maalmo ka hor lagu soo af jaray Qilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo iyo Raisal Wasaaraha Soomaaliya Rooble, kadib markii la go’aansaday in uu bashiir Goobe loo magacaabo Xilkaan, Wasiirka  ammniga uu sii ahaado C/llaahi Nuur iyo in Taliyaha NISA Yaasiin Farey Xilka laga qaado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post