1011 Views

Al-Shabaab oo gobolka mudug ku Afduubtay dad Xoolo dhaqato ah

Al-Shabaab oo gobolka mudug ku Afduubtay dad Xoolo dhaqato ah
____________________________________________________________________________


Sabti: March 26, 2022

Wararka ka imaanaya degaanka Baraag Ciise ee Koonfurta Gobolka mudug ayaa kusoo waramaya in saaka  Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ay halkaas ka afduubteen Todoba Ruux iyo ku dhawaad sedax  Kadin oo Geel ah.

Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela, Maxamed shuuke Abshir, ayaa xaqiijiyay in Aroornimadii  hore ee Saaka  ay Maleeshiyaadka Al-shabaab afduubteen Mawaadin Soomaliyeed oo xoolo dhaqato ahaa iyo Xoolahii ay wateen.

Bilihii lasoo dhaafay Maleeshiyaadka  agagixisada Al-Shabaab ayaa weeraro dhuumaalaysi  ah  ugu geeysanayay dadka reer Miyiga ah qeybo ka mid ah deegaanada Koonfurta gobolka mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post