924 Views

Agaasimaha dekedaha Hoybyo oo sheegay in laga dhisayo deked weyn oo maraakiibta iyo doonyuhu ku soo xirtaan.

Agaasimaha dekedaha  Hoybyo  oo  sheegay in  laga dhisayo deked weyn oo maraakiibta iyo doonyuhu ku soo xirtaan.
____________________________________________________________________________

Mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in laba dekedood laga dhisayo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdirashiid Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hobyo laga dhisayo deked weyn oo maraakiibta iyo doonyuhu ku soo xirtaan iyo deked yar oo ku kooban kalluumeysiga oo keliya.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in dekedda yar ee kalluumeysi uu dhismaheedu meel geba-gabo ah marayo islamarkaana kalluumeysatada degaanka laga doonayo in ay ka faa’idaystaan dekeddaas cusub.

Dekad Kalluumeysi ayaan ka barbar sameynaynaa Dekadda weyn ee Hobyo, taasi oo aan ugu talagalnay in ay ka faa’iideystaan kalluumeysatada” ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post