90 Views

Odayaasha Dhaqanka Seylac oo Si Adag Uga Falceliyay Heshiiska Lagu Bixiyay Badda

Odayaasha Dhaqanka Seylac oo Si Adag Uga Falceliyay Heshiiska Lagu Bixiyay Badda
____________________________________________________________________________

Odayaasha Dhaqanka magaalada Saylac oo la hadlay warabahinta ayaa si adag uga hadlay in Muuse Biixi usan bixin karin dhulkooda, ayna tahay arrin isaga u gaar ah oo aysan la qabin waxgaradka iyo Shacbka ku dhaqan degaannada gobollada Waqooyi ayna tahay xadgudub.

Odeyaashan ayaa waxaa ay sheegeen in badda aysan ahayn wax cid walba si fudud isaga bixin karto,ayna tahay dhaxalka jiilka dambe lana aqabli karin damaca gurracan ee itoobiya, kadib heshiiskii ka dhacay magaalada Addis Ababa, shacabka gobollada Waqooyi ayaa si adag uga horyimid marka la eego arrinta heshiiska Muuse.
Odayaasha ayaa sidoo kale dhammaan ummadda Soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu baaqay in ay u midoobaan, difaaca qarannimada Soomaaliya,oo si cad ugu soo duushay itoobiya” Hawaawbaad ku jirtaa Muusow dadbaa badda iyo barriga ilaashanaya” ayuu yiri mid kamid ah dhaqankii ka hadlayay.

Damaca Itoobiya ee 1-dii bishan magaalada Addis Ababa heshiiska kula gashay Madaxweyne Muuse Cabdi ayaa waxaa isa soo taraya sida falcelinta ka imaaneysa dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, iyadoo lagu tilmaamay mid ku xadgudbay madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post