798 Views

Wasiirka Amniga Gudaha oo kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga Gudaha oo kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Maxamad Nor ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha booliska.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiisha kale ee Booliska, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda guud ee amniga iyo qorsheyaasha Booliska uga degsam xoojinta iyo sugidda Nabadgelyada.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Booliska adkeynta amniga gaar ahaan goobaha doorashooyinka, maadaama dhawaan la guda geli doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana uu kormeeray qeybaha xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post