567 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmaya Gudiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmaya Gudiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi
____________________________________________________________________________

Barqanimada Maanta ah ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta maxamed Xuseen Rooble uu xafiiskiisa kulan kula qaato xubnaha guddiga doorashooyinka xildhibaannada Gobolada Waqooyi ee  ( Somaliland)

Maalmihii la soo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waday la tashiyo uu la yeelanayay siyaasiyinta Gobolada Waqooyi six al looga gaaro khilafka siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ku muransan habka ay u dhaceyso doorashada Xildhibaannada labada Aqal.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in aan wax natiijo ah kasoo bixin kulamadii ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Rooble, Mahdi Guuleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland kuna jira dowladda Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajira khilaaf la xiriira arrimaha doorashada, waxaana iyaga oo u kala jaban laba garab ay ku wada sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post