693 Views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo la Shiray Madaxda Diyaaradaha ka hawlgala Dalka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo la Shiray Madaxda Diyaaradaha ka hawlgala Dalka
____________________________________________________________________________


Isniin: March 7, 2022

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka  iyo Duulista hawadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax ayaa maanta la shiray masuuliyiin ka socday Diyaaradaha ka hawlgala dalka, iyadoona mudooyinkii dambe dadaal xoogan wasaaradu ku bixinaysay dhismaha midowga diyaardaha.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Cali gacal, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah SCAA axmed Macalin iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada dawladda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa intii uu socday lagu gorfeeyay muhiimada ay leedahay dhismaha daladda ay ku midaysan yihiin diyaardaha dalka ka hawlgala, waxaana si wada jira loo qiray in xiligaan baahi wayn loo qabo.

Masuuliyiin ka socday Diyaardaha ka hawlgala dalka ayaa si wada jira u sheegay in dhankooda ay baahi wayn u qabaan dhismaha maamulka sare ee daladda, waxaana ay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda uga mahad celiyeen dadaalka uu galiyay in la helo Daladda Miwdoga Diyaardaha.

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Masuuliyiinta ka socday Diyaardaha ka hawlgala dalka inay si deg deg ah u doortaan hogaankooda, waxaana uu intaas raaciyay in helista daladda Midowga Diyaardaha ay sahlayso isla xisaabtan iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee duulimaadyada ka shaqeeya.

Khamiista Todobaadkaan ayaa la filayaa in la doorto Hogaanka daladda Midowga Diyaardaha ka hawlgala dalkag

\ Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post