813 Views

Madaxweynaha Somalilandoo ka qaybgalay xaflad lagu soo xidhayey dufcaddii saddexaad

Madaxweynaha Somalilandoo  ka qaybgalay xaflad lagu soo xidhayey dufcaddii saddexaad
____________________________________________________________________________

Axad: July: 11, 2021

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay xaflad lagu soo xidhayey dufcaddii saddexaad ee barnaamijka carbiska ah ee lagu magacaabo Shaqo Qaran, kaas oo ka socday xarunta dugsiga tababarka ee Dararweyne oo dhinaca waqooyi-bari kaga beegan magaalada Hargeysa.

Munaasibadda lagu soo xidhayey tababarka waxaa iyana dhankooda ka soo qaybgalay oo madaxweynaha ku wehelinayey taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland, agaasimaha Barnaamijka Shaqo qaran, xubno kamid ah golaha wasiirrada, macallimiintooda iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah,

Barnaamijka shaqo qaran ayaa dhallinyarada ka qayb qaadataa waa ardeydii jaamacadaha ka baxdey. Badankoodu muddo dheer ayay bilaa camal ahaayeen.

Imika waxa ay fursad ka heleen Barnaamijkan oo ay bilowday xukuumadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland. Barnaamijkan ayaa qaybo kala duwan leh, iyada ay habl iyo wiilal badan oo ka soo aflaxay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post