279 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaradka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaradka Carabta
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameysay abaaraha dalka ka jira, islamarkaana Golaha Shacabka BJFS ay kala shaqeyn doonaan horumarinta hawlwadeenada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka carabta sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in la xoojin doono xirirka labada Baarlamaan ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post