387 Views

SAWIRO:- Tababar loo soo xiray Ciidamada ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha

SAWIRO:- Tababar loo soo xiray Ciidamada ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo Muddo Afar bilood ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Serbia Bratislav Gasić, Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa tiro ahaan gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil,Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley, kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga iyo ilaaladda Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isla markaana Ciidankan ay ka qeyb qaadanayaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.

Mudane Bratislav Gasić Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Tababarada Ciidanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya kuwaas si loo dhiso tayadda ilaalada gaarka ah ee madaxda Qaranka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post