1233 Views

DEG-DEG:-RW Rooble oo amray in si deg deg ah loo furo wadada dabka

DEG-DEG:-RW Rooble oo amray in si deg deg ah loo furo wadada dabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 14 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo furo wadada dabka oo xalay hay’adaha Amniga Soomaaliya ay dhagxaan waaweyn ku xireen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Shacabka muqdisho sida ay ugu dulqaateen xirnaanshadah wadada oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

“ Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada ayuu yiri” RW Rooble.

Xirnaanshaha wadada Isgoyska dabka ee dhagxaanta waaweyn lagu jaray ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii Gaari NOHA ah oo si xowli ah wadadaas uga soo gudbay uu ku qarxay Barta-koontorool eek u taal Isgoyska Sayidka ee magaalada muqdisho.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post