1644 Views

Saameyn intee la’eg ayuu ku yeeshay Covid 19 ganacsiga Soomaalida Nederlands.?

Saameyn intee la’eg ayuu ku yeeshay Covid 19 ganacsiga Soomaalida Nederlands.?
____________________________________________________________________________

Talaado, May 5, 2020 [Qaranimo Online]  Inkastoo dhowrkii sanno ee u dambeeyey ganacsiga Soomaalidu ay ku leedahay dalka Nederlands ku sii fidiyey magaalooyin hor leh, haddana marka la barbar dhigo ganacsiyada ay ku leeyihiin shucuubta kale ee ajnabiga dalkaasi, Soomaalidu kuma jirto kaalimaha hore.

Ganacsiga Soomaalida, waxaa udub-dhaxaad u ah baddeecooyinka quutul-daruuriga ah, sida uu sheegay Rashiid Cabdi Ibraahim oo ah milkiilaha [Garoodi Winkel] ee ku yaala magaalada Utrecht.

Rashiid, isaga oo ka hadlayay saameynta ganacsiga Soomaalidu ku yeeshay dhaqdhaqaaqyadii bulshada oo yaraaday Cudurka Covid 19 dartii, waxa uu sheegay in culeyska dhaqaale ee uu ku keenay Covid 19 ay isaga kala wayn tahay dadka soo dukaameysi tagaya oo aan xil iska saarayn shuruucda ay dowladdu dajisay ee ah; in dadku ay kala fogaadaan ugu yaraan 1,5 mitir.

“Ma jiro saamayn dhaqaale oo uu aniga igu yeeshay Covid 19 marka la hadlayo ganacsigan yar ee aan halkan ku haysto, hasse ahaatee waxaan dhibaato wayn ku qabaa sidii ay dadku ula qabsan lahaayeen shuruucda ay dowladdu soo saartay ee kala sikashada ah iyo in dukaan waliba ay markiiba gudihiisa geli karaan tiro koobban” Ayuu yiri Rashiid, wuxuuna intaasi sii raaciyay in si loo xakameeyo faafinta cudurkan in dukaamadu ay u xilsaareen shaqaale gaar ah, kuwaas oo dadka ka caawinaya fuddudeynta adeegyada ay u baahan yihiin iyada oo dhinaca kalena la ilaalinayo shuruucda kala fogaanshiyaha.

“Anigu dukaankayga maadaama uu yar yahay waxaa loo oggol yahay markiiba saddex qofood in ay gudihiisa ku jiri karaan, waxay dhibaato iga haysataa in dadku ay sharcigaasi u hogaansamaan, waxaaba dhici karta in dadyowga dukaanka imaanaya oo ay Soomaalidu ugu horreyso in ay 2 ama 3 isula socdaan” Ayuu yiri Rashiid.

Cantar Maxamed Murshid waa maamulaha shirkadda “SUMA” oo ah shirkadda ugu wayn ee ay dukaanlayda Soomaalidu ka soo dukaamaystaan, kuna taal Magaalada Tilburg.

Cantar, isaga oo saxaafadda ugu waramayey xafiiskiisa wuxuu sheegay in adeegyadii ay siin jireen macaamiishooda uu hoos u dhac wayn uu ku yimid tan iyo bartamihii bishii Maarso ee sannadkan xilligaas oo ay ku beegnayd markii ay soo baxday awaamiir lagu xaddidayo dhaqdhaaqyada ganacsiga.

“Waxaa aad u yaraaday, ama gabi ahaanba istaagay dalabaadkii aan ka heli jirnay dibedda; Talyaaniga oo kale waxaa ka heli jirnay adeegyo ay baastadu ka mid tahay, sidoo kale Ingiriiska waxaa uu ahaa suuqa ugu wayn ee aan badeecooyinka kala soo dagno intuba waa ay xirmeen, adeegii koobnaa oo bakhaarada ku jiray wuu ku filnaan waayay macaamiishii, haddana waxaa soo galay bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bisha dadku ay dalbadaan adeegyada ugu badan” Ayuu yiri Cantar, wuxuuna intaasi raaciyay in maadaama ay shirkadoodu tahay tan ugu wayn ee ay Soomaalidu ku tiirsan tahay in ay ku dedaalayaan maalmaha soo socda in ay soo kaamilaan dhammaan adeegyadii macaamiishoodu ka heli jireen.

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment