1017 Views

AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyadda ka socda Mareykanka

AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyadda ka socda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 30 2020–Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay magaalooyin ka mid ah Mareykanka ka dib dilkii George Floyd oo ahaa nin madow oo aan hubeysneyn oo si arxan daro ah uu u dilay sarkaal caddaan ah oo jooga Minneapolis, Minnesota.
Derek Chauvin wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska.
Mr Chauvin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah.
Wariyaha CNN oo Minneapolis ugu soo warramayey oo la xiray xilli ay mudaharaadyo looga soo horjeeda dilka loo geystay ninka madowga ah ayaa xabsiga loo taxaabay.
Omar Jimenez ayaa gacmaha laga jeebbeeyey isaga oo subaxa hore ee jimcaha tebin toos ah ku jira.
Waxaa sida oo kale la xiray sawir qaade iyo soo saare la socday iyada oo xariggiisa loo sababeeyey inuu diiday amarka booliska ay siiyeen ee ahaa inuu meesha ka dhaqaaqo.
Ciidanka Ilaalada Qaranka ee Minnesota ayaa tagay magaalada Minneapolis, Saint Paul iyo nawaaxigeeda.

Minneapolis ayaa sidoo kale lagu soo rogtay bandowga usbuuca.
Hogaamiyaasha bulshada iyo dadka degaanka ayaa dalbaya xariga saddex sarkaal oo kale oo qeyb ka ahaa dilka Ninka Madowga ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment