792 Views

Mutlaq Majed Al-Qahtani. Ergayga gaarka ah ee dalka Qatar oo Muqdisho ka bilaabay kulamo.

Mutlaq Majed Al-Qahtani. Ergayga gaarka ah ee dalka Qatar oo Muqdisho ka bilaabay kulamo.
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Magaalada Muqdisho waxa maalintii labaad ku sugan wafdi uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan arimaha xalinta khilaafaadka Mutlaq Majed Al-Qahtani.

Waxayna kulankoodii ugu horeeyay xarunta madaxtooyada kula leeyihiin madaxweynaha dawladda federaalka Maxamad Cabdillahi Farmaajo.

Caawa ayaa waxa la filayaa inay wafdigu la kulmaan hogaamiyayaasha mucaaradka.

Wafdigan oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ayaa soo maray Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale shalay xafiiskiisa ku qaabiley weftigan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post