780 Views

RW Rooble oo ka hadlay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

RW Rooble oo ka hadlay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 28, 2022

Ra’iisul wasaare Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalada Muqdisho.

“Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka” ayuu Mr Rooble oo boggiisa Facebook qoraal ku daabacay.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay.

Sidoo kale, Rooble u mahadceliyay guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidamada ammaanka Dalka iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post