1800 Views

Xildhibaano Dacwad ka gudbiyay Ciidamada Amniga Muqdisho

Xildhibaano Dacwad ka gudbiyay Ciidamada Amniga Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Oktoobar 17 2018–Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay   handadaad iyo rasaas ay kala kulmeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maanta xiray inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada kala ah C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad  iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Ciidamada Ammaanka.

Waxa ay sheegeen in loo geystay Handadaad loona diiday in ay maraan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay  Ciidanka amaanka ee maanta hakiyeen inta badan Xildhibaannada,isaga oo ciidanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan xasaanadda Xildhibaannada.

Guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka amray in ay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaannada maanta la kulmay handadaadda iyo Rasaasta ee dacwadda u gudbiyay Golaha shacabka.

Kulanka waxaa maanta xaadiray 145 ka mid ah 276da Xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment