870 Views

Maamulka G/Hiiraan oo Saraakiisha AMISOM kala shiray Amniga doorashooyinka

Maamulka G/Hiiraan oo Saraakiisha AMISOM kala shiray Amniga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Gudoomiye ku Xigeenka Amniga gobalka Hiiraan Axmed Cabdullaahi Cusmaan Inji ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku Sugan magaalada Beledweyne .
Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeeyey xaalada guud ee amniga iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa howlaha amniga magaalada iyo sugida amniga goobaha Doorashooyinka lagu qaban doono ee magaalada Beledweyne.

” Maamulka gobalka Hiiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle waxuu Juhdi badan ku bixinayaa door-kiisa Maamul ee ka shaqeeynta amniga iyo xasiloonida guud ee gobalka Hiiraan iyo adkeeynta amniga Goobaha Doorashooyinka aay ka dhacayaan ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha snadkaan loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post