897 Views

Ciidamada Badbaado Qaran oo laga saaray Wadada Maka Al-mukarama iyo Xerooyin Cayiman oo la geeyay

Ciidamada Badbaado Qaran oo laga saaray Wadada Maka Al-mukarama iyo Xerooyin Cayiman oo la geeyay
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Waxaa saakay is badal ku yimid Howlgalkii Ciidamada badbaado Qaran ee xalay soo gaaray magaalada Muqdisho qaarkood.

Ciidamadan oo watay ku dhawaad 30 gaadiidka dagaalka ah kna kala yimid Gobolada Sh.hose iyo Sh.dhexe ayaa soo galay magaalad Muqdisho saacado kadib markii Ciidamo ka amar qaata Villa Somaliya ay shalay xoog ku qabsadeen Xafiiska Raisal Wasaaraha Soomaaliya Rooble.

Ciidamadan ayaa xalay Markii ay soo gaareen Muqdisho, waxay ku fideen ilaa afaafka hore ee Madaxtooyada gaar ahaan Isgoyska sayidka, taasi oo cabsi dhalisay in mar kale wadadaas ay xiranto.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada badbaado Qaran oo aan la xiriiray ayaa sheegay in farmaajo uu Rabo in Ciidamada Badbaado Qaran ay xiraan wadooyinka si uu mar mar siiyo uga dhigto in dalka ay qal Qal galinayaan Badbaado Qaran.

“ Walaal waan garanay dhagarta Villa Soomaaliya oo ah in Ciidamada Badbaado Qaran ay xiraan wadooyinka ayna xabada ku bilaabaan Villa Somaliya, si uu fursad ugu helo oo uu yiraah waala I soo Weeraray, taasina Saraakiisha Badbaado Qaran iyo madaxda dalka uu ugu horeeyo Raisal Wasaaraha waxaa la qaatay G’aan kale.

“ Si aan loo xirin Wadooyinka oo isku socodka dadka gaadiidka iyo Bulshada shaqadooda u wataan waxaa la furay Wadada Maka Al-mukarama ilaa wadada Isgoyska Dabka, Ciidamada waalaga qaaday waxaa la geeyay Barooyin Cayiman oo hadii loo baahdo Howlgalada ay ka fulin karaan, sida Shirkole, Siigaale iyo mariinaayo, taasina waan ku fahanay farmaajo si uu dalka qal qal u galiyo ayuu rabaa waana ku fahanay”ayuu mar kale yiri sarkaalkan oo ka tirsan Ciidamada badbaado Qaran kana tirsan Saraakiisha la socoto Jeneeraal indha cadde.

Sidoo kale 8 bil ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Badbaado Qaran ay is hor taag ku sameeyeen Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo oo rabay in uu ku darsado 2 Sano oo sharci daro ah, taasi oo keentay in magaalada Muqdisho ay xiraan Ciidamada Badbaado Qaran wadooyinka soo gala Villa Soomaaliya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post