609 Views

Qasaaraha ka dhashay Qaraxii shalay ka dhacay dalka Kenya oo soo kordhaya dhimashada oo korortay .

____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

Qasaraha ka dhashay Qaraxii  gaariga  rakaab ah oo ay la socdeenpp shalay  burburiyey qarax intuu uu socday weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox hubeysan, waqooyiga bari ee dalka Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga kadib markii uu dul maray miino dhulka lagu aasay, meel 8 km u jirta magaalada Mandhera.

“Lix qof ayaa la dilay intii uu socday weerarka lagu qaaday gaariga. Waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo kooxda weerarka soo qaaday,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska qaranka Bruno Shioso.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Warbixin ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in askar lugeyneysay oo ka ag dhowaa goobta ay rasaas is-weydaarsadeen kooxda weerarka soo qaaday, kuwaas oo u baxsaday dhanka xuduudda Soomaaliya.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa adeegsaday rasaas iyo gantaallada garbaha laga tuuro intii uu socday weerarka, sida lagu sheegay warbixinta.
Gaariga oo gebi ahaan ku burburay weerarka ayaa siday tiro rakaab ah oo aan weli la shaacin.

Shioso ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in toddoba qof ay ka badbaadeen weerarka balse ay qabaan “dhaawacyo kala duwan.”

Toddobaadkii tegay, dhowr ka mid ah safaaradaha Reer Galbeedka ee Nairobi ayaa ka digay weerar argagixiso oo lagu beegsanayo ajaaniibta ku sugan caasimadda.

Safaaradaha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ka digay weerar suurta-gal ah maalmo gudahood, halka Mareykanka ay soo saareen digniin feejignaan ah.

AFP

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post