1128 Views

Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay in dadka qaar bandowga jebiyeen

Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay in dadka qaar bandowga jebiyeen
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 05 2020–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) iyo Xubno la socday ayaa xalay waxaa ay kormeereen qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay kamid tahay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka ugu weyn ee kormeerka ayaa ahaa mid loogu kuur galayay xaalada guud ee Degmooyinka ee dhinaca Amniga iyo bandoowga Habeenkii Habeenkii saaray Caasimadda sida uu dhaqangeliyay .

Duqa Muqdisho oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in goobo badan oo ay soo mareen ay indha indheeyeen sida uu u dhaqan galay Bandowga,balse sidii la rabay uusan u dhaqan gelin.

Waxaa uu sheegay in meelaha qaar ee dadka isugu imaan jireen uu Bandowga ka dhaqan galay,balse ay jiraan dad bandowga jebiyey oo uu arkayay Goobo dadka isugu yimaadeen iyo bajaajyada qaarkood oo Shaqeynaya.

Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu cadeeyey in Bandowga ay dowladda Soomaaliya Bandowga u khafiifisay,balse taasi micnaheedu aysan aheyn in la joojiyey,waxaana Shacabka uu ugu baaqay inay qaataan talooyinka looga hortagayo faafintaanka COVID19.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment