6300 Views

Fartaag oo iska casilay guddiga doorashada kadib markii…

Fartaag oo iska casilay guddiga doorashada kadib markii…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 1, 2017 – Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada madaxweynaha Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa iska casilay xilkaasi, kadib qoraal uu u gudbiyey guddoonka guddigaasi.

Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, oo ka tirsan guddiga doorashada ayaa u xaqiijiyey in guddoomiye ku xigeenka uu guddoonka soo gaarsiiyey warqaddiisa is casilaadda.

Fartaag ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay in uusan dooneyn in laga shakiyo shaqada guddiga, maadaama isaga shaqsi ahaan uu ka qeybgalay munaasabad lagu taageerayey madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha, taasina ay siyaasiyiin badan farta ku godeen.

Inta badan murashaxiinta xilka madaxweyne oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shalay sheegay inaysan kalsooni badan ku qabin guddiga doorashada, waxayna soo jeediyeen in Guddiga laga saaro Jen. C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag.

Jen. C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo ah xubin ka tirsan guddiga doorashada ayaa lagu eedeeyay inuusan dhex dhexaad ka aheyn doorashada, isla markaana waxay tilmaameen inuu u ololeynayay Murashax Xasan Sheekh Maxamuud, kana qeybgalay xaflad lagu taageerayay isagoo ka sheegay inay doortaan mar kale Xildhibaanada Xasan Sheekh.

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment