414 Views

Hay’adda Gargaarka Soomaaliya Oo Gargaar Gaarsiisay deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

Hay’adda Gargaarka Soomaaliya Oo Gargaar Gaarsiisay deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
____________________________________________________________________________

Isniin: September 26, 2022

Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), ayaa gurmad degdeg ah u dirtay ku dhawaad 1,400 oo qoys oo ku dhibaateysan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Agaasimaha Hay’adda Mudane Cabdirishiid Maxamed Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurmadkan degdeg ah markii ugu horreysay la mariyey dhulka, taas oo ay suurta gelisay deegannada la xoreeyey ee marinka u ah gurmadku in uu gaaro deegaannadaas.

“Waxaan gurmad degdeg ah u dirnay qoysas ku dhibaataysan degmooyinka Raage-ceele iyo Cadayle ee Gobolka Shabeellada Dhexe, taas oo aan gaarsiinayno deegaannada fogfog ee ay ku dhibaateysan yihiin dadkeennu”Ayuu yiri Agaasime Cabdirishiid.

Gurmadkan ee la gaarsiiyey deegaannada Cadayle iyo Raage-Ceele, ayaa isugu jirta qeybaha raashinka ee muhiimka u ah qoysaska ku u dhibataasayn xaaladaha ka dhashay Abaaraha, Waxayna Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA) ay xoogga saaraysaa sidii loo dardar gelin lahaa samata bixinta dadkeenna Soomaaliyeed oo ay la daristay xaaladda adag.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post