984 Views

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal & Xubno la socda oo gaaray Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal & Xubno la socda oo gaaray Kismaayo
____________________________________________________________________________

Wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT ee Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed ( Cirro)  ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland Dr Siyaad Mursal Maxamed iyo xubnaha kale ee guddiga.

Waftiga  ayaa Kismaayo u tegay arrimo la xiriira dardargalinta qabsoomidda doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee maalmaha soo socda ka dhici doona Jubbaland.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Guddiga doorashooyinka heer federal ay la kulman Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo kala wareegi doona liika Musharixiinta Aqalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post