672 Views

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18 2021–Shilka oo ah mid gaari ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degaanka Ceeljale ee duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah iyo mid hantiyadeed.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qado ah iyo Gaari kale, waxaana goobjoogayaal sheegeen in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen shilkaas.

Qaar kamid ah dadka degaanka Ceeljale ayaa garay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay shilkaas, waxaana la geeyay Isbitalka Magaalada Beledweyne.

Sidoo kale dadka ayaa bilaabay inay toosiyan Gaariga nooca xamuulka qaada oo rogmaday, kaas oo la sheegay in uu sido agab kala duwan oo qaarkood uu burbur soo gaaray.

Mas’uuliyiinta Maamulka degaanka Ceeljaale ee duleedka Beledweyne weli kama hadlin shilkaasi Gaare, hayeeshee waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen gurmadka loo sameeyay dadka ku waxyeeloobay shilka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post