531 Views

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Qaabilay Taliyaha Ciidamada Mareykanka AFRICOM

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Qaabilay Taliyaha Ciidamada Mareykanka AFRICOM
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka AFRICOM ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Taliyaha ciidamada Lugta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Wasaaradda Gaashandhigga ayaa mudooyinkii dambe xoojineysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab iyadoo argagixisada hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeenta iyo kor u qaadidka awoodda ciidamada xoogga dalka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post