1884 Views

C/raxmaan C/Shakuur Oo Su’aal Ka keenay Sababta Madaxda uga Hadli la’yihiin Weerardii Ka Dhacay Muqdisho

C/raxmaan C/Shakuur Oo Su’aal Ka keenay Sababta Madaxda uga Hadli la’yihiin Weerardii Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 25, February 2018 —Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, ayaa su’aalo ka keenay sababta madaxda dowladda Federalka Soomaaliya uga hadli la’yihiin qaraxyadii iyo weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xayndaabka Madaxtooyadda iyo qaraxii nawaaxiga Xarunta Sirdoonka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada ee (Facebook) ayuu C/raxmaan C/Shakuur ku waydiiyay madaxda dowladda Su’aalahaan.  Qoraalka ayaa wuxuu u qornaa sidan:

Ma aha maangal iyo mid shacabka qabata in aysan dawladu illaa iyo haatan ka hadal weeraradii dhagar qabayaasha Alshabaab ku dileen ku dhawaad 50 ruux kuna dhaawaceen intoo kale.

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu Madaxda qaranka uga fadhiyaa in ay la hadlaan lana wadaagaan.

1- Sharaxaad sidii ay wax u dhaceen iyo baaxada khasaaraha.
2- Sida ay ku dhacday in marqur ah Xaruntii Nabadsugida iyo Madaxtooyada la weeraro, iyadoo maalin ka hor Golaha Wasiirada digniin weerar laga soo saaray.

3- Sababta keentay in AMISOM xabado ku furto ciidan Soomaaliyeed, dishana qaarkood.

4- Talaabooyinka ay dawladu qaaday si ay shacabka hubanti u siiso in amnigu gacanta ku jiro, welwel kana looga saaro.

Shacabku weli wuu xusuustaa in uu halku-dhigga Xukuumadu ahaa “Isla-xisaabtan”.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment