879 Views

Xarunta xakameynta iyo ka hortagga cudurada Mareykanka eeyaha KA mamnuucay 113 dal

Xarunta xakameynta iyo ka hortagga cudurada Mareykanka  eeyaha KA mamnuucay  113 dal
____________________________________________________________________________

June 15 2021

 Xarunta xakameynta iyo kahortagga cudurada ee Mareykanka, ayaa ku dhawaaqdey in hal sano la mamnuucayo ka keenista eeyaha 113 dal, oo ay ku jirto dalka Masar.

Mamnuuciddan ayaa ka danbeysay kadib markii ay soo baxeen walwal laga qabo cudurka Raabiyadda, oo ku dhex baahaya eeyaha.

Mamnuuciddan ayaa saameyneysa dhammaan eeyaha, gaar ahaan kuwa laga keenay dalalka uu ku badan cudurka Raabiyada.

Mamnuuciddan ayaa timid ka gadaal markii uu kor u Kacey eeyaha laga keenayo Mareykanka dibaddiisa, ntii lagu guda jirey dhibaatada cudurka safmareenka ee Covid19.

Xarunta xakameynta iyo kahor tagga, ayaa tilmaantey in boqolaal kamid ah eeyahan loo sameeyey shahaadooyin been abuur ah, oo lagu sheegayo iney ka baq qabaan cudurka Raabiyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post