840 Views

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odowa oo Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odowa oo Kismaayo kula  kulmay Madaxweynaha jubbaland  Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________


Jimco: October 8, 2021

 Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odowa Yuusuf Raage iyo Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee deegaanada maamulka jubbaland iyodoona kulanka inta badan lagu gurfay nayay sida Alshabab looga saari lahaa deeganada ay ka hees taan Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale taliyaha ciidanka ayaa madaxweynaha jubbaland ku amaanay amniga magaalada Kismaayo iyo degmooyinka hoos yimaada ,iyadoona labada masuul ay isku garteen in la xoojinayo Ammanka Guud ee Maamulka jubbaland .

Maanta ayay aheed markii wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ay safar ku tageen Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel Gaarka u ah Maamul Goboleedka Jubbaland .

Saacadaha Soo socda ayaa sidoo kale taliyaha waxaa lagu wadaa inuu kulan laqaato qaar kamid ah Masuuliyiinya maamulka Jubbaland ,uu ugu horeeyo wasiirka Amniga Maamulkaasi iyo masuuliyiin kale

KNN

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post