1509 Views

Axmed Madoobe oo kulan qarsoodi ah la qaatay hoggaamiyayaasha Gaarisa

Axmed Madoobe oo kulan qarsoodi ah la qaatay hoggaamiyayaasha Gaarisa
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 18, 2018 –Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe),ayaa kulan qarsoodi ah magaalada Gaarisa kula qaatay hoggaamiyayaasha maamulka Gobolka Gaarisa.

Wargeyska Dailynation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa baahiyay in Axmed Madoobe uu Gaarisa u tagay sidii uu taageere uga raadsan lahaa hoggaamiyayaasha Gaarisa maaddaama doorasho ay ku soo wajahantahay Jubaland.

Waxaa uu Wargeysku intaas ku daray in inta badan uu Gaarisa kula kulmay hoggaamiyayaasha Gobolka ee ay isku beesha yihiin si ay uga qeybqaataan ololaha dib u doorashadiisa.

Nabaddoon Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Gaarisa ayaa xaqiijiyay in uu isagu ka mid ahaa dadkii la kulmay Axmed Madoobe hase ahaatee waxaa uu ka gaabsaday in uu kala hadlay arrimaha doorashada Jubaland iyo in kale.

Sawirrada Nabaddoon Ibraahim iyo Axmed Madoobe,ayaa aad loo soo geliyay baraha bulshada,maaddaama kulanka uu qarsoodi ahaa,markii dambase nabaddoonka ayaa xaqiijiyay in kulankaasi dhacay.

Axmed Madoobe ayaa cadaasi iyo tartan xoog leh kala kulmaya siyaasiyiin doonaya in ay madax ka noqdaan Jubaland kuwaas oo lagu xamanayo in ay taageero ka heystaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment