411 Views

Abuu Muscab “ Hotelka Xayaat waxa laga soo maleegi jiray shirqoolo ka dhan ah kooxdooda alshabaab waxaa daganaa saraakiil Reer Galbeed ah

Abuu Muscab “  Hotelka Xayaat waxa laga soo maleegi jiray shirqoolo ka dhan ah kooxdooda alshabaab waxaa daganaa saraakiil Reer Galbeed ah
____________________________________________________________________________

Sabti: august 20, 2022

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo xalay salaadii maqrib kaddib lagu qaaday hotelka Xayaat ee Muqdisho, weerarkan ayaana soo gaaray ilaa caawa.

Afhayeenka dhinaca ciidamada ee Al Shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarka hotelka Xayaat ku qaadeen iyo sababta ay u beegsadeen.

Waxa uu sheegay Abuu Muscab in Hotelka Xayaat degnaayeen dad kala duwan oo dowladda Soomaaliya katirsan, waxa uuna xusay in hotelkan laga soo maleegi jiray shirqoolo ka dhan ah kooxdooda.

Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidanka dowladda ku fashilmeen in weerarka soo afjaraan kana saaraan hotelka dagaalyahanadooda, waxa uuna xusay in weeraro kala duwan ay soo qaadeen ciidamo kala duwan oo katirsan dowladda la fashiliyay .

“Cadaawgu wuxuu isku dayay inuu Mujaahidiinta ka fara maroojiyo goobta oo uu qabsado, wuxuuna soo qaaday 15 weerar wax ka badan, Ilaahey fadligiisa Mujaahidiinta ayaa u sabray jabiyayna in badan. Cadawgu halkaa ciidamo fara badan ayuu kusoo uruuriyay, markastana ciidan cusub ayuu soo galinayay goobta, mar kastana waa uu jabayay, dhimasho iyo dhaawac badanna waa uu la tagayay” ayuu yiri Sh/Abuu Muscab.

Afhayeenka ciidamada ee Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen hotelka Xayaat ku dileen dad ka badan 40-qof, sidoo kale ku dhaawaceen dad gaaraya todobaatameeyo qof.

Abuu Muscab ayaa sheegay in ujeedka rasmiga ah ee u qaadeen weerarka hotelka Xayaat in uu ahaa in ay kaga jawaabaan dalab uu Madaxweyne Xasan Sheekh u dirsaday dowladaha caalamka uuna ku doonayo in laga taageero dagaal uu ku burburiyo Al Shabaab

“Hawlgalkan wuxuu yimid ayada oo dowladda , gaar ahaan  Xassan Garguurte uu u qeylo dhaansaday xulufadiisa, isaga oo sheegaya inuu Mujaahidiinta burburin doono oo soo afjari doono, arrintaasi maanta waxay isku badashay in ayaga xubnahooda iyo shaqaalihii dowladda halkaasi lagu baaba’sho tacsi iyo geerina ay u taallo” ayuu yiri Abuu Muscab.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin weerarkan Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana weerarkan soo gaaray caawa fiidkii oo qaraxyo iyo rasaas laga maqlayay hotelka Xayaat.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post