375 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo RW hore ee dalka oo kulan sagootin ah la qaatay Imaamka masjidka barakeysan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo RW hore ee dalka oo kulan sagootin ah la qaatay Imaamka masjidka barakeysan
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Shiikh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo maanta Salaadii Jimcaha ka dib kulan sagootin ah laqaatay Imaamka masjidka barakeysan ee Haramu Shariif ee Maka, Imaam Bandar Abdul Aziz iyo maamulaha guud Haramka Mohamed Khayat, waxaana uu yiri.

“Salaadi jimcaha ee maanta waxaan aniga iyo Wafdigii Ila socday kulan sagootin iyo isbarasho ah la qaadanay Imaamka masjidka barakeysan ee Xaramka Makka, Imaam Bandar Cabdulcasiis, iyo Maamulaha Xaramka Maxamed Khayaat, kadib markii ay inoo soo dhamaatey gudashada waajibaadka Acmaasha Xajka”

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay intii ay ku sugnaayeen Sucuudiga gaar ahaan goobaha barakeysan ee lagu cibaadeysto ayuu sheegay in si wanagsan loogu soo dhoweeyay islamarkaana si wanagsan ay u soo guteen waajibaadkooda Xajka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post